Kooxda kubadda cagta ee Manchester City ayaa la hoyatay koobka ugu qaalisan dalka Ingiriiska ee FA Cup ,kadib markii ay 1-0 uga adgaatay kooxda Stock City oo ay final isku arkeen.
Yaya toure ayaa guusha farta ka saaray kooxdiisa Man. City, markii uu u saxiixay goolki ay ku badiyeen daqiiqadii 74-aad ee qaybti danbe ee ciyaarta,taasoo keentay inay dabaal dag aad u qurux badan ay sameeyaan taageerayaasha kooxda Manchester City.

Kooxda Manchester City ayaa qarashkii ugu badnaa xagaagan ku soo iibsatay cayaartoy xirfad wanaagsan leh oo uu ku jiro Yaya Toure,waxaana kooxda xilli ciyaareedkan u muuqatay mid guul darradeedu uu yaraa.
Dhinaca kale kooxda Shayaadiinta cas-cas ee Manchester United ayaa loo caleema saaray koobka Preamier League-ga,kadib marki bareejo min hal gool ah ay la galeen kooxda Blackburn Rovers oo ay marti u noqatay.

Manchester United ayaa raadineysay hal dhibac oo ay ku hanan kartay koobka horyaalka,waxaana uu koobkani u noqonayaa kii 19 ee Preamier League ay qaato man. United.